Hordhac
Qisadan murugada leh waxay soo ifbaxday horaantii sanadkii 2013. Waxaa iiga sheekeeyay saaxiib aan nahay oo xilligaas degganaa magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.
Qisadu markii ay koobnayd ayaan qalinka u qaatay, waxaanan ka qoray maqaal aan idinla wadaagay xilligaas, kuna daabacay boggeyga. Sidoo kale, waxaa laga sii daayay barnaamijyo dhallinyaro oo ka bixi jiray saddex idaacadood oo ku yaalla Muqdisho.
Aniga oo u haystay in qisadaasi halkaas ku soo idlaatay, ayaa toddobaad ka hor waxaa ila soo xiriiray saaxiibkii markii hore ii sheegay. Wuxuu hadda ku nool yahay dalka Canada, wuxuuna ii sheegay in qisadii ay yeelatay weji kale.
Sida uu ii sheegay, Yoonis, oo ahaa ninkii dukaankiisa la dhacay, isla markaana xaaskiisa iyo qoyskiisa Soomaaliya u diri jiray lacagta uu ka shaqeeyo, ugu dambayn wax walba way is qaban waayeen. Kadibna wuxuu go’aan ku gaaray inuu ka tago dalka Koonfur Afrika, isaga oo tahriib ahaan ugu baxay dalka Liibiya si uu halkaas uga sii galo qaaradda Yurub.
Halka ay ku dambeysay safarka Yoonis waxaad ku ogaan doontaan bilowga qisada.
Laakiin maxaa ku dhacay xaaskiisii Sacdiyo, oo laba carruur ah u haysay Yoonis, laguna yaqaanay haweeney maseyr badan? Iyaduna sannado yar kadib waxay qaaday waddadii tahriibka si ay ninkeeda ula midoowdo. Ma badbaadday, mise waxay la kulantay masiibo kale?
Jawaabta su’aalahaas waxaad ka heli doontaan sheekadan.
F.G: Sheekadan waxaan u bixin doonaa magac cusub oo gaaban, kuna habboon dulucdeeda.
Qalinka: Maxamed Xuseen Yuusuf Xaaji Tahriib




