HomeWarkaDEG-DEG: Madaxii Guud ee Sirdoonka AS oo lagu dilay Jilib.

DEG-DEG: Madaxii Guud ee Sirdoonka AS oo lagu dilay Jilib.

Howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka ayaa 23-kii Agoosto ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, sida ay sheegtay NISA.

Howlgalka ayaa lagu dilay Cabdullaahi Xaashi Labajir, oo loo yaqaanay “Ikhlaas”, kaas oo lagu tilmaamay inuu ahaa Madaxii Guud ee Sirdoonka Khawaarijta.

Sida lagu sheegay xogta la shaaciyay, Ikhlaas ayaa xilkan hayay tan iyo sannadkii 2013-kii, waxaana lagu tilmaamay inuu ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu muhiimsan ee hoggaanka sare ee kooxda.

Hay’adaha amniga ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu wiiqayo hoggaanka iyo awoodda kooxda Khawaarijta, gaar ahaan xubnaha doorarka muhiimka ah ku leh howlaha sirdoonka iyo qorsheynta weerarrada.

Dilkiisa ayaa loo arkaa khasaaro weyn oo soo gaaray dhismaha sare ee kooxda, maadaama uu muddo dheer hayay xilka sirdoonka, isagoo door muhiim ah ku lahaa howlaha xog-ururinta iyo isku-duwidda arrimaha sirdoonka ee kooxda.

Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ay wadaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo si gaar ah looga fulinayo deegaanno ka tirsan koonfurta iyo bartamaha dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments