HomeWarkaXiisad Siyaasadeed oo Ka Dhex Qaraxday Gu.Baarlamaanka Galmudug iyo Qoorqoor

Xiisad Siyaasadeed oo Ka Dhex Qaraxday Gu.Baarlamaanka Galmudug iyo Qoorqoor

Xiisad siyaasadeed ayaa ka taagan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, kaddib markii ciidamo lagu daadiyey agagaarka guriga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, Maxamed Nuur Gacal.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo ku sugan Dhuusamareeb, tallaabadan ayaa timid kaddib markii Guddoomiye Gacal uu guda-galay qorshe uu ku furayo kalfadhiga Golaha Wakiillada Galmudug, iyadoo la sheegay inuu doonayo in Golaha uu horkeeno mooshin ka dhan ah xukuumadda Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Xiisadda ayaa kusoo beegmaysa xilli xaaladda siyaasadeed ee Galmudug ay mar kale cakirantay, gaar ahaan kaddib markii ay soo baxeen muranno la xiriira doorashadii qof iyo codka ahayd ee maamulka, taas oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka taageertay Galmudug.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Maxkamadda Sare ee dalka ay laashay natiijadii doorashadaasi, taas oo abuurtay xaalad siyaasadeed iyo sharci oo cusub, iyadoo la filayo in doorashada dib loo qabto.

Guddoomiye Maxamed Nuur Gacal ayaa horey u muujiyey walaac iyo dhaliil ku aaddan habkii Dowladda Federaalka u maamushay arrimaha doorashada Galmudug, xilli uu hadal ka jeediyey magaalada Muqdisho.

Xiisadda hadda ka taagan Dhuusamareeb ayaa sare u qaadaysa walaaca laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu u gudbo khilaaf toos ah oo u dhexeeya Golaha Wakiillada iyo Xukuumadda Galmudug, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabada xigta ee labada dhinac.

Ilo-wareedyada ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay tahay mid xasaasi ah, halka dhinacyada siyaasadda Galmudug iyo Dowladda Federaalka aysan weli si rasmi ah uga hadlin wararka la xiriira ciidamada lagu daadiyey guriga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments