Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ay hoggaaminayeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyaha TURKSOM, Brigadier General Mehmet Yasin Kalın, kuwaas oo booqasho shaqo ku tegay magaalada Baydhabo.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab (Khawaarijta), iyo sare u qaadidda iskaashiga u dhexeeya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed iyo Taliska TURKSOM.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyey wafdiga booqashadooda Baydhabo, isagoo ku ammaanay doorka Ciidanka Xoogga Dalka iyo TURKSOM ay ka qaadanayaan tayeynta ciidamada Soomaaliyeed, horumarinta awoodda difaaca qaranka iyo adkeynta amniga shacabka.
Dhankooda, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyaha TURKSOM, Brigadier General Mehmet Yasin Kalın, ayaa xaqiijiyey inay sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin Dowladda Koonfur Galbeed, si loo xoojiyo amniga loona dardargeliyo howlgalada lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Siihayaha Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, iyo saraakiisha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha amniga iyo saaxiibbada Soomaaliya ee taageera dhismaha awoodda ciidamada, si loo dardargeliyo howlgalada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.



