Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Azerbaijan, Danjire Cabdinuur Daahir Fiidoow, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Sayniska iyo Waxbarashada Azerbaijan, Emin Amrullayev, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga waxbarasho ee labada dal.
Kulanka ayaa si gaar ah looga wada hadlay ballaarinta fursadaha waxbarasho ee ay helaan ardayda Soomaaliyeed, taageerada ardayda hadda wax ka barata Azerbaijan iyo sidii loo abuuri lahaa fursado cusub oo waxbarasho, gaar ahaan dhinaca tacliinta sare.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha waxbarashada iyo tacliinta sare ee Soomaaliya iyo Azerbaijan, iyadoo la dhiirrigelinayo iskaashi waara oo dhinacyada cilmi-baarista, tacliinta sare iyo horumarinta aqoonta ah.
Danjire Cabdinuur Daahir Fiidoow ayaa uga mahadceliyay Wasiir Emin Amrullayev iyo Wasaaradda Sayniska iyo Waxbarashada Azerbaijan soo dhoweynta iyo taageerada ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalkaasi.
Safiirka ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay xoojinta xiriirka labada dal, isagoo caddeeyay in Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan ay mudnaan gaar ah siinayso sidii loo kordhin lahaa fursadaha waxbarasho ee ay heli karaan ardayda Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa ku soo aadaya iyadoo Soomaaliya iyo Azerbaijan ay sii xoojinayaan xiriirkooda iskaashi, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, tacliinta sare iyo horumarinta aqoonta.



