Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in 10 qof lagu daray Liiska Qaran ee Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, kaddib markii lagu asteeyay inay ku lug leeyihiin maalgelinta iyo taageeridda kooxda Al-Shabaab.
Guddigu wuxuu sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo la-dagaallanka maalgelinta argagixisada, laguna adkeynayo hirgelinta cunaqabataynta maaliyadeed ee loogu talagalay ilaalinta amniga iyo xasilloonida dalka.
Sida lagu sheegay ogeysiiska guddiga, dadka lagu daray Liiska Qaran ee Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman waa:
- Abdiaziz Hassan Mohamed “Laftagareen”
- Hassan Abdulkadir Mohamed
- Mahad Abdirahman Adan “Shub”
- Ibrahim Adan Ali “Najah”
- Hassan Abdi Mohamed “Ugaas Hassan”
- Abdullahi Ali Watiin
- Abdifatah Mahad Abdirahman
- Abdimajid Mowlid Hassan
- Amiin Mad Daruur
- Abshir Aden Isak
Guddigu wuxuu sheegay in go’aanka lagu daray liiska uu waafaqsan yahay waajibaadka sharci ee saaran, kuwaas oo la xiriira ka-hortagga lacag-dhaqidda iyo la-dagaallanka maalgelinta argagixisada.
Sida ku cad ogeysiiska guddiga, hay’adaha iyo dadka ay khusayso hirgelinta cunaqabatayntan waxaa waajib ku ah inay qaadaan tallaabooyinka soo socda:
- Joojinta macaamilka maaliyadeed: Waxaa mamnuuc ah in lala sameeyo macaamillo maaliyadeed dadka ku jira liiska, si waafaqsan shuruucda iyo waajibaadka khuseeya.
- Xayiraadda hantida: Waa in la xayiraa hantida ay leeyihiin dadka liiska lagu daray, sida uu dhigayo nidaamka cunaqabataynta.
- Soo gudbinta warbixinnada: Dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee la xiriira dadka liiska ku jira waa in si degdeg ah loogu wargeliyaa Xarunta Warbixinnada Maaliyadda (Financial Reporting Center – FRC).
Guddigu wuxuu xusay in waajibaadkani khuseeyaan hay’adaha warbixinta bixiya ee lagu qeexay sharciga ka-hortagga lacag-dhaqidda iyo la-dagaallanka maalgelinta argagixisada, iyo dhinacyada kale ee uu sharcigu saaran yahay.
Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo hay’adaha kale ee dalka ku sugan uga digay inay sameeyaan macaamillo dhaqaale ama taageero fududayn karta dhaqdhaqaaqyada dadka ku jira liiska, iyadoo la raacayo xeerarka khuseeya.
Waxa uu sidoo kale ka digay in jebinta waajibaadka cunaqabataynta ay keeni karto tallaabooyin sharci oo waafaqsan xeerarka dalka ee la-dagaallanka argagixisada iyo maalgelinteeda.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku doonayso inay ku adkeyso nidaamka la-socodka dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed, kuna jarto ilaha dhaqaale ee lagu taageero kooxaha argagixisada.



