HomeWarkaGUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY SAFIIRKA CUSUB EE TÜRKİYE U FADHIYA...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY SAFIIRKA CUSUB EE TÜRKİYE U FADHIYA SOOMAALIYA.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Türkiye u fadhiya Soomaaliya, Danjire Ferhat Alkan, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Türkiye, kaas oo ku dhisan walaaltinimo, is-ixtiraam, kalsooni iyo danaha wadajirka ah. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa Dowladda iyo shacabka Türkiye uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya.

Waxa uu si gaar ah u xusay mashaariicda horumarineed ee Türkiye ka hirgelisay Soomaaliya iyo kuwa weli socda, kuwaas oo uu sheegay inay qayb ka qaadanayaan horumarinta dalka iyo xoojinta xiriirka labada shacab.

Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, xiriirka diblomaasiyadeed iyo danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Türkiye.

Gabagabadii kulanka, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Safiirka cusub ee Türkiye, oo uu wehelinayay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, ayaa kormeer ku sameeyay dhismaha xarunta Golaha Shacabka iyo hoolka ay ka dhacaan kulamada guud ee Baarlamaanka.

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa booqashada safiirka cusub ee xarunta Golaha Shacabka, iyadoo kulankani uu fursad u ahaa labada dhinac inay ka wada hadlaan xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments