Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay weerarro gantaallo ah oo Jimcihii kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ku qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Khalid ee magaalada Riyadh, kaas oo dhaliyay dhimashada ugu yaraan illaa saddex qof iyo dhawaca dhowr qof oo kale.
Dowladda Soomaaliya ayaa marka hore si adag u cambaareysay weerarradan, waxayna tilmaamtay inay khatar ku yihiin madaxbannaanida Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo amniga gobolka.
Sidoo kale, Soomaaliya ayaa xadgudub weyn ku tilmaamtay weerarrada joogtada ah ee ay kooxda Xuutiyiinta ku hayaan gudaha dalka Sacuudiga, kuwaas oo sii xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay.




