HomeWarkaMadaxweynaha ruushka oo ku booriyay Trump sii wadidda wadahadallada u dhexeeya Iran...

Madaxweynaha ruushka oo ku booriyay Trump sii wadidda wadahadallada u dhexeeya Iran iyo Mareykanka.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa maanta u sheegay weriyeyaasha in inta badan wadahadalkii khadka taleefanka ee xalay dhexmaray Vladimir Putin iyo Donald Trump diiradda lagu saaray arrinta Ukraine, balse uu madaxweynaha Ruushka u gudbiyay aragtida Iran.

Yuri Ushakov, oo ah lataliye u shaqeeya madaxweynaha Ruushka, ayaa saacado ka hor sheegay in wadahadalkan taleefanka uu Mr. Putin ku soo dhaweeyay sii wadidda wadahadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ee loo marayo dalka Qatar.

Sida uu sheegay, Mr. Putin wuxuu hoosta ka xariiqay in dalabkii Ruushka ee ahaa in Iran ay Ruushka ku wareejiso uranium-ka la safeeyay uu weli miiska saaran yahay.

Mr. Ushakov ayaa sidoo kale sheegay inay suurtagal tahay inay labada madaxweyne si fool-ka-fool ah u kulmaan inta lagu guda jiro shir-madaxeedka APEC ee ka dhacaya Shiinaha 18-ka iyo 19-ka bisha November, inkastoo aan arrintan laga hadlin wadahadalkii taleefanka ee shalay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments