HomeWarkaGarsoore Cumar Cartan oo Mar Kale lagu Casuumay UEFA.

Garsoore Cumar Cartan oo Mar Kale lagu Casuumay UEFA.

Garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cabdullaahi Cartan, ayaa mar kale lagu casuumay qaaradda Yurub, gaar ahaan magaalada Geneva ee dalka Switzerland, si uu uga qeyb galo tababar heer sare ah oo loo qabanayo garsooreyaal ay soo xushay UEFA.

Tababarka ayaa la qorsheeyay inuu ka qabsoomo magaalada Geneva 31-ka Agoosto, iyadoo diiradda lagu saarayo horumarinta aqoonta, xirfadaha iyo diyaar-garowga garsooreyaasha ka qeybgalaya.

Casuumaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli Cumar Cartan uu sameeyay horumar muuqda oo dhanka garsoorka ah, kaddib markii UEFA ay dhowaan u magacawday inuu noqdo garsoorihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee dhex-dhexaadiya UEFA Super Cup 2026, oo ay ku kulmeen Paris Saint-Germain iyo Aston Villa.

UEFA ayaa sheegtay in fursadda Cartan ay qeyb ka tahay iskaashiga u dhexeeya UEFA iyo CAF, kaas oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo horumarinta garsoorka kubadda cagta ee labada qaaradood.

Tababarka Geneva ayaa noqonaya fursad kale oo muhiim u ah garsooraha Soomaaliyeed, waxaana la filayaa inuu ka faa’iideysto khibradaha iyo aqoonta lagu bixinayo tababarka, taas oo sare u qaadi karta waayo-aragnimadiisa garsoornimo ee heerka caalamiga ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments