HomeWarkaGolaha Shacabka oo Cod Aqlabiyad Ku Ansixiyay Hindise-sharciyeedka Dambiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada

Golaha Shacabka oo Cod Aqlabiyad Ku Ansixiyay Hindise-sharciyeedka Dambiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta aqlabiyad ku ansixiyay Hindise-sharciyeedka Dambiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada, kaas oo ay golaha horgeysay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Hindise-sharciyeedkan oo muddo dheer horyaallay Golaha Shacabka, ayaa waxaa oggolaaday 132 xildhibaan, halka saddex mudane ay diideen, shan kalena ay ka aamuseen, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Intii ay socotay ka doodista hindise-sharciyeedka, waxaa la sheegay in la maray habraacyada ansixinta hindise-sharciyeedyada ee ku xusan Qodobka 98-aad, sida lagu caddeeyay warbixinta.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa u mahadcelisay Guddoonka iyo xildhibaannada Golaha Shacabka, kaddib ansixinta hindise-sharciyeedka.

Wasiiraddu waxay sheegtay in hindise-sharciyeedku soo maray marxalado kala duwan, isla markaana uu muddo dheer horyaallay Golaha Shacabka. Waxay sidoo kale bogaadisay sida ay xildhibaannadu u guteen waajibaadkooda dastuuriga ah intii ay socotay doodda iyo ansixinta.

Khadiija Al-Makhzoumi, oo ku hadlaysay magaca wasaaradda iyo haweenka Soomaaliyeed ee dhibbanayaasha u ah tacaddiyada galmada, ayaa tilmaantay in ansixintu ay tahay tallaabo muhiim u ah ilaalinta karaamada aadanaha, badqabka bulshada iyo xuquuqda dhibbanayaasha.

Waxay xustay in hindise-sharciyeedku muhiim u yahay xoojinta helitaanka caddaaladda iyo ilaalinta haweenka, carruurta iyo dadka kale ee nugul.

Wasiirka ayaa sidoo kale u mahadcelisay Guddiga Xuquuqul Insaanka iyo Haweenka ee Golaha Shacabka, culimada Soomaaliyeed, bulshada rayidka ah iyo dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay talooyinka, doodaha iyo dib-u-eegista hindise-sharciyeedka.

Waxay sheegtay in wada-shaqaynta hay’adaha dowladda iyo bulshada ay door muhiim ah ka qaadato diyaarinta iyo horumarinta shuruucda lagu ilaalinayo xuquuqda aadanaha iyo xoojinta nidaamka caddaaladda dalka.

Ugu dambayn, Wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa carrabka ku adkaysay baahida loo qabo in la sii xoojiyo ilaalinta xuquuqda haweenka iyo carruurta, taageerada dhibbanayaasha iyo dhismaha bulsho ku dhisan caddaalad, karaamo iyo isla xisaabtan.

Waxay xaqiijisay in Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanku ay sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo shuruucda lagu xaqiijinayo badqabka iyo karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments