Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Shirweynaha Qaran ee Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Fikirka Xagjirka ah, kaas oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Qaran ee Tubsan ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal xooggan ku bixisay la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta, iyadoo diiradda la saarayo awooddooda ciidan iyo fikirka ay faafinayaan. Wuxuu xusay in bulshada Soomaaliyeed ay si isa soo taraysa u fahmayso khatarta uu fikirka kooxahani ku hayo jiritaanka ummadda iyo dowladnimada dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in maanta oo kale, 14-kii Oktoobar 2017, Muqdisho uu ka dhacay qaraxii weynaa ee sababay dhimashada boqollaal qof iyo dhaawaca kumannaan kale, kaas oo uu ku tilmaamay dhacdo muujisay halista kooxaha argagixisada ah.
Wuxuu sheegay in weerarkaasi uu bulshada Soomaaliyeed tusay dhibaatada baaxadda leh ee ay kooxahaasi u geystaan shacabka.
Isagoo ka sheekaynayay waayo-aragnimadiisa maalintaas, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay inuu ka mid ahaa dadkii ka badbaaday qaraxa, isagoo xusay in xilliga uu dhacay uu ku sugnaa meel aan ka fogayn goobta uu qaraxu ka dhacay.
“Dadkii Ilaahay ka badbaadiyay baan ka mid ahaa. Meeshaas markaas baan maray, guri aan degganaa oo 200 tallaabo u jira meesha wax ka dhaceen ayaan tagay. Markii uu qaraxu dhacay dhulka ayaan ku dhacay, baabuur ordayana Ilaahay baa iga dhaafiyay, gurigiina wuu dumay. Dhammaanteen dadkii ka badbaaday baan nahay,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.
Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale sheegay in markii ay xilka la wareegtay xukuumaddiisu ay xoogga saartay sidii culimada Soomaaliyeed ay bulshada ugu caddayn lahaayeen aragtida dowladda ee ku aaddan fikirka kooxaha Khawaarijta.
Wuxuu xusay in kulamo ay yeesheen culimada Soomaaliyeed ay ka dhasheen fatwooyin lagu caddeeyay aragtidooda ku aaddan kooxaha argagixisada ah, kuwaas oo ay ku tilmaameen inay ku dhaqmaan fikrado iyo falal ay culimadu la xiriiriyeen dhaqankii Khawaarijta.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu intaas ku daray in la-dagaallanka fikirka xagjirka ahi u baahan yahay iskaashi bulsho, wacyigelin iyo dadaallo lagu xoojinayo fahamka diinta iyo ka hortagga faafitaanka fikradaha rabshadaha wata.
Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay mideeyaan dadaalladooda ku aaddan la-dagaallanka kooxaha argagixisada ah, isla markaana ay dowladda kala shaqeeyaan ka hortagga fikirka xagjirka ah.
Wuxuu sheegay in xukuumaddu ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah kooxahaasi, iyadoo hadafku yahay in laga ciribtiro guud ahaan dhulka Soomaaliya.
Shirweynahan ayaa diiradda saaraya dadaallada lagu xoojinayo wacyigelinta bulshada, ka hortagga fikirka xagjirka ah iyo iskaashiga dowladda, culimada iyo shacabka ee ku aaddan nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.















