HomeWarkaGuddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo Booqday Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku Xiran Liibiya

Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo Booqday Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku Xiran Liibiya

Banghaasi, Liibiya – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay Xabsiga Ganfuda ee magaalada Banghaasi, halkaas oo ay kula kulmeen maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiga.

Wafdiga Guddiga waxaa hoggaaminayay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, Maxamed Haaruun Maxamuud, waxaana ku weheliyay Commissioner Cali Maxamed Cilmi. Booqashada ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Golaha Xuquuqda Aadanaha iyo Xorriyadaha Shacabka ee Liibiya, oo wafdiga ku soo dhaweeyay xarunta xabsiga.

Mas’uuliyiinta ayaa kulan la yeeshay maamulka Xabsiga Ganfuda, halkaas oo ay kaga xog wareysteen xaaladda maxaabiista Soomaaliyeed. Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta xabsiga, waxaa halkaasi ku xiran 70 muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo 8 ka mid ah ay yihiin haween. Mid ka mid ah haweenkaas ayaa la joogta ilmo saddex jir ah.

Madaxa La-dagaallanka Socdaalka Sharci-darrada ah ee Bariga Liibiya, Jeneraal Saalax Maxamuud, ayaa sheegay in ku dhawaad 300 oo muwaadiniin Soomaaliyeed ay ku jiraan xabsiyada ku yaalla Bariga iyo Koonfurta Liibiya, iyadoo 70 ka mid ah lagu hayo Xabsiga Ganfuda.

Dhankiisa, Golaha Xuquuqda Aadanaha iyo Xorriyadaha Shacabka ee Liibiya ayaa ballanqaaday inuu sii wadi doono la socodka xaaladda maxaabiista Soomaaliyeed, isla markaana uu si joogto ah warbixinno ula wadaagi doono Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada dibadda iyo kor u qaadista iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Liibiya ee dhinaca xuquuqda aadanaha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments