HomeWarkaRaโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS oo ka tanaasulay dhalashada iyo baasaboorka...

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS oo ka tanaasulay dhalashada iyo baasaboorka Kenya

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga tanaasulay dhalashada iyo baasaboorka dalka Kenya ee uu hore u haystay.

Goโ€™aankan ayaa imanaya kadib muran siyaasadeed iyo sharci oo ka dhashay safarkiisii magaalada Nairobi, halkaas oo lagu xannibay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta. Dowladda Kenya ayaa xilligaas sheegtay in ay baaritaan ku waddo sida uu ku helay dhalashada iyo baasaboorka Kenya, iyadoo ku eedeysay in dukumentiyadaasi lagu qaatay hab aan waafaqsanayn sharciga.

Masโ€™uulka ayaa markii dambe dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho, kaddib markii loo diiday inuu sii galo gudaha Kenya.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in goโ€™aanka uu maanta uga tanaasulay dhalashada iyo baasaboorka Kenya uu la xiriiro murankii ka dhashay arrintaas, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin sababaha faahfaahsan ee goโ€™aankaasi.

Dhacdadan ayaa si weyn u soo jiidatay indhaha siyaasiyiinta iyo shacabka, iyadoo la filayo in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Kenya ay ka hadlaan saameynta ay arrintani ku yeelan karto xiriirka labada dal.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments