HomeWarkaGudoomiye Muungaab ka hadlay Dhul burburinta ka ssocota Muqdisho.

Gudoomiye Muungaab ka hadlay Dhul burburinta ka ssocota Muqdisho.

Muungaab oo xalay hoggaamiyay kulan dadweyne oo ka dhacay degmada Warta Nabadda ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso dib-u-habeyn iyo horumarin lagu sameeyo qaar ka mid ah dhulalka Obasiibooyinka ee ku yaalla degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in qorshuhu yahay in dhulalkaas la hagaajiyo, loo sameeyo waddooyin waaweyn iyo goobo casri ah, si degmooyinkaasi ay ula mid noqdaan xaafadaha horumaray ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa caddeeyay in dadka haysta document-yo sharci ah aan la taaban doonin dhulkooda, isagoo sheegay in arrintan ay kala hadleen Culumada Soomaaliyeed.

“Waxaan rabaa hal mid inaan caddeeyo, dhulka Obasiibada ah dadkii deganaa ayaa loo sharciyeynayaa, Madaxweynaha waxa uu nagu ogyahay waa taas. Qof document haysta dhulkiisa waa lama taabtaan, daraadna annaga iyo culumada ayaan ka wada-hadalnay,” ayuu yiri Muungaab.

Muungaab ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay qorsheyneyso in Kaaraan iyo Yaaqshiid laga hirgeliyo horumar muuqda, isla markaana laga sameeyo goobo iyo adeegyo ay shacabka ka faa’iideystaan.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay walaaca ay qabaan dadka laga burburiyay guryahooda, isagoo sheegay in mararka qaar waddooyinka iyo mashaariicda horumarineed ay saameyn ku yeelan karaan dhul ay dad deggen yihiin.

Waxa uu sheegay in dowladda ay diyaarisay qorshe dib-u-dejin ah, iyadoo kumannaan boos loo qorsheeyay shacabka ay saameeyeen howlahaas, gaar ahaan deegaanka Gubadley.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay cirka isku shareertay qaylo-dhaanta ka dhalatay burburinta guryaha iyo dhulalka laga sameynayo qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, iyadoo arrintan ay si weyn uga hadlaan shacabka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments