HomeWarkaWasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo soo bandhigay waxqabadka diblomaasiyadda Soomaaliya afartii sano ee...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo soo bandhigay waxqabadka diblomaasiyadda Soomaaliya afartii sano ee la soo dhaafay

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa soo bandhigay waxqabadka diblomaasiyadda dalka afartii sano ee la soo dhaafay, isagoo ka hadlay guulaha laga gaaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga caalamiga ah, iyo kor u qaadista doorka Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah.

Wasiiru-dowlaha ayaa sheegay in muddadaas la ballaariyay xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka saaxiibka ah iyo hay’adaha caalamiga ah, isla markaana la xoojiyay dadaallada lagu soo jiidanayo maalgashiga, taageerada horumarinta, iyo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bani’aadannimada.

Sidoo kale wuxuu xusay in diblomaasiyadda Soomaaliya ay door muuqda ka qaadatay difaaca danaha qaranka, xoojinta wada shaqeynta gobolka iyo kor u qaadista sumcadda dalka ee heer caalami.

#somalia #war #cusub #Followers #muqdisho #dolwadda #jubaland #iran
#facebook #Tiktok #Hormuud #page

  ———|Share | Like | Comments|——

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments