HomeWarkaGuddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare oo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta kulan...

Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare oo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta kulan su’aal weydiin ah laqaatay

Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo gudanaya waajibaadkooda shaqo ee ku xusan Dastuurka dalka, ayaa maanta xafiiskooda ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda.

Kulanka oo ay shir guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare, Senator Saynab Ismaaciil Maxamed, ayaa diiradda lagu saaray turxaan-bixinta iyo faahfaahinta qodobo ka mid ah Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Macdanta Soomaaliyeed.

Xubnaha Guddiga ayaa Wasiirka iyo masuuliyiinta Wasaaradda weydiiyay su’aalo dheeraad ah oo la xiriiray qodobbada Hindise-sharciyeedka, gaar ahaan kuwa u baahnaa in la sii caddeeyo, iyadoo Wasiirku uu si faahfaahsan uga jawaabay su’aalihii iyo arrimaha ay Xildhibaanadu soo bandhigeen.

Intii uu kulanku socday, waxaa sidoo kale dhacay dood iyo is-dhaafsi aragtiyeed ku saabsan qodobbada muhiimka ah ee Hindise-sharciyeedka, iyadoo labada dhinac ay si qoto dheer uga wada hadleen muhiimadda ay leedahay in sharcigu noqdo mid cad, dhameystiran oo waafaqsan danta guud ee Qaranka.

Doodda iyo falanqaynta kaddib, Guddiga iyo Wasaaraddu waxay ku heshiiyeen faham iyo fasiraad ku saabsan qodobbadii u baahnaa in la sii caddeeyo.

Kulankan ayaa qeyb ka ah howlaha Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare uu ku doonayo in Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Macdanta Soomaaliyeed loo sameeyo turxaan-bixin dhameystiran, si uu u noqdo sharci si wanaagsan loo diyaariyay, isla markaana ka tarjumaya danta Qaranka iyo horumarinta hannaanka sharci-dejinta Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments