HomeWarkaJubbaland: Maamul Dhisan mise Siyaasad Hal Meel ku Wareegaysa?

Jubbaland: Maamul Dhisan mise Siyaasad Hal Meel ku Wareegaysa?

Jubbaland waxay ka mid tahay dowlad-goboleedyada Soomaaliya ee magaca iyo miisaanka weyn ku leh siyaasadda dalka. Juqraafi ahaan, dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba waa deegaan muhiim ah laakiin sannadihii dambe, marka magaca Jubbaland la maqlo, doodda ugu weyn waxay inta badan ku soo ururtaa laba arrimood Axmed Madoobe iyo khilaafka Dowladda Federaalka.

Taasi waxay dhalineysaa su’aal mudan in la isweydiiyo: Jubbaland ma waxay dhiseysaa nidaam siyaasadeed oo sii jiri kara, mise siyaasaddeedu waxay ku wareegeysaa shaqsiyaad iyo khilaaf soo noqnoqda?

Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” wuxuu Jubbaland hoggaaminayaa tan iyo aasaaskeeda, waxaana dib loogu doortay Kismaayo bishii Nofeembar 2024. Dowladda Federaalka ayaa diidday natiijadaas, halka Jubbaland ay markii dambe hakisay xiriirkii iyo wada-shaqeyntii kala dhexeysay Dowladda Federaalka.

Khilaafkaas wali ma dhammaan. Bishii Juun 2026, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu mar kale sheegay in Dowladda Federaalka aysan aqoonsaneyn doorashadii Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa isaguna ku jawaabay in doorashada Jubbaland ay aqoonsi uga baahan tahay shacabka Jubbaland, balse aysan uga baahnayn Dowladda Federaalka.

Halkaas waxaa ka muuqata mushkilad ka weyn labada hoggaamiye. Waa su’aal ku saabsan federaalka Soomaaliya laftiisa, halkee ayay ku dhammaaneysaa awoodda Dowladda Federaalka, halkeese ka bilaabaneysaa awoodda dowlad-goboleedka?

Dastuurka KMG ah ee Jubbaland laftiisu wuxuu maamulka ku qeexayaa dowlad-goboleed xubin ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, xiriirka labada heer dowladeedna wuxuu ku xirayaa qaab-dhismeedka federaalka Laakiin marka fasiraadda awoodahaas lagu kala aragti duwanaado, hay’adihii iyo hannaanadii lagu kala saari lahaa muranka ayaa noqda kuwa ugu muhiimsan.

Jubbaland waa inay ka gudubtaa siyaasadda shaqsiga

Dhibaatada ugu weyn ee Jubbaland ma aha oo keliya cidda maanta madaxweynaha ka ah. Su’aasha muhiimka ahi waa: Maxaa dhacaya maalinta Axmed Madoobe uusan joogin?

Ma jiraan hay’ado siyaasadeed oo awood u leh inay si caadi ah u maareeyaan kala-guurka awoodda? Ma jiri kartaa doorasho ay ku tartamaan aragtiyo siyaasadeed oo kala duwan iyadoo natiijada lagu kala baxayo? Mise mustaqbalka Jubbaland wuxuu mar kasta ku xirnaan doonaa awoodda qofka madaxtooyada jooga?

Maamul xooggan laguma cabbiro muddada uu hoggaamiye kursiga joogo. Waxaa lagu cabbiraa awoodda hay’adaha uu ka tagayo iyo sida awoodda si nabad ah loogu kala wareegi karo.

Gedo waa imtixaan kale!

Waxaa intaas dheer gobolka Gedo, oo muddo dheer xuddun u ahaa khilaafka Muqdisho iyo Kismaayo. Xitaa 2026 waxaa weli jira muran la xiriira maamulka iyo qorshayaasha doorashooyinka gobolka.

Jubbaland aan gudaha isku raacsaneyn way ku adkaaneysaa inay dibadda kula gorgortanto Dowladda Federaalka iyadoo hal mowqif leh. Sidaas darteed, xalka Jubbaland kama bilaabanayo Muqdisho oo keliya, wuxuu sidoo kale ka bilaabanayaa Kismaayo, Gedo iyo deegaannada kale ee maamulka, iyadoo bulshada deegaanka la siinayo cod siyaasadeed oo dhab ah.

Muqdisho iyo Kismaayo midkoodna kaligiis xal ma keeni karo

Dowladda Federaalka iyaduna waa inay fahamtaa in khilaafka dowlad-goboleed aan lagu xallin karin cadaadis siyaasadeed oo keliya. Jubbalandna waa inay fahamtaa in ku adkeysiga madax-bannaanida maamulka aysan meesha ka saareyn waajibka wada-shaqeynta federaalka.

Labada dhinac waxay sheegayaan inay doorbidayaan wadahadal, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in wadahadalku yahay jidka lagu xallinayo khilaafka, Axmed Madoobena wuxuu dhowaan ku baaqay wadahadal ku saabsan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka. .

Aragtidayda, Jubbaland maanta waxay u baahan tahay wax ka weyn guul uu dhinac siyaasadeed ka gaaro dhinaca kale. Waxay u baahan tahay heshiis gudaha ah, hay’ado ka xoog badan shaqsiyaadka, doorasho lagu kalsoonaan karo iyo xiriir federaal oo khilaafkiisa lagu dhammeeyo miiska wadahadalka.

Sababtoo ah Axmed Madoobe ma joogi doono weligiis, Xasan Sheekhna ma joogi doono weligiis. Laakiin Jubbaland iyo Soomaaliya way sii jiri doonaan.

Su’aasha sidaas darteed mudan in shacabka loo bandhigo waxay tahay:

Jubbaland ma dhiseysaa nidaam ay hoggaamiyeyaashu is beddeli karaan, mise hoggaamiyeyaasha ayaa noqday nidaamka laftiisa?

W/Q Abdifatah Durdur

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments