HomeWarkaMadaxweynaha Somaliland oo u ambabaxay Nairobi ka hor safar la filayo inuu...

Madaxweynaha Somaliland oo u ambabaxay Nairobi ka hor safar la filayo inuu ku tago Mareykanka

HARGEYSA, Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa galabta ka ambabaxay magaalada Hargeysa, isagoo u safray magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Madaxweyne Cirro ayaa lagu wadaa inuu Nairobi kula kulmo mas’uuliyiin iyo diblomaasiyiin ka socda dalal kala duwan, kuwaas oo ay ka wada hadli doonaan arrimo la xiriira xiriirka dibadda iyo iskaashiga.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweynaha iyo wafdi la socda ay Nairobi ka dalban doonaan fiisooyin ay ugu safraan Mareykanka, halkaas oo la filayo inuu booqasho ku tago maalmaha soo socda.

Safarkan ayaa noqonaya booqashadii labaad ee Madaxweyne Cirro uu ku tago Nairobi tan iyo markii uu xilka qabtay dabayaaqadii sannadka 2024, waxaana la filayaa inuu qeyb ka noqdo dadaallada uu ku xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee Somaliland la leedahay dalalka caalamka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments