HomeWarkaKulankii Maanta ee Mucaaradka: โ€œCagajiidka Villa Somalia Lama Sugi Karoโ€

Kulankii Maanta ee Mucaaradka: โ€œCagajiidka Villa Somalia Lama Sugi Karoโ€

Kulan is-dhaafsi xog iyo wada-tashi ah ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ee ku sugan Muqdisho.

Kulanka ayaa la sheegay in xubnuhu isku dhaarsadeen in aan indhaha laga daawan karin xaaladda adag ee shacabka Soomaaliyeed ay wajahaan, iyadoo si gaar ah looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo is-mariwaaga u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka.

Sidoo kale, Raโ€™iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay inay soo jeediyeen in aan la sii sugin waxa ay ku tilmaameen cagajiidka Villa Somalia, balse la qaado tallaabo siyaasadeed oo wax ka beddeli karta xaaladda taagan.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka uu weli taagan yahay, iyadoo dhinacyadu ay horey u yeesheen kulamo iyo wada-hadallo dhowr ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments