Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar, Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan Al Thani, kaddib booqasho rasmi ah oo uu ku joogo dalka Qatar.
Kulanka ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku wehliyay wasiirro iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan wafdiga Soomaaliya, waxaana diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha dhaqan-dhaqaale, amniga, xasilloonida iyo horumarrada ay dowladdu sheegtay in dalka laga sameeyay sannadihii lasoo dhaafay.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa dhiggiisa Qatar uga warbixiyay xaaladda dalka iyo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo, isagoo xusay horumarrada laga sameeyay dhinacyada amniga iyo xasilloonida, iyo qorshayaasha lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka.
Labada Ra’iisul Wasaare ayaa sidoo kale si qoto dheer uga wada hadlay arrimaha gobolka iyo kuwa caalamka, gaar ahaan amniga, nabadda iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah ee xal loogu raadinayo caqabadaha saameynaya habsami-u-socodka ganacsiga adduunka.
Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan Al Thani, ayaa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay iyo waxqabadka Dowladda Federaalka, isaga oo carrabka ku adkeeyay in xiriirka Soomaaliya iyo Qatar uu yahay mid xooggan oo ku dhisan iskaashi iyo wax-wada-qabsi.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dowladda iyo shacabka Qatar uga mahadceliyay garab istaagga ay u muujiyeen madax-bannaanida, midnimada iyo dhuleednimada Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii ay Soomaaliya la kulantay faragelin iyo caqabado la xiriira madax-bannaanideeda.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya iyo Qatar, iyadoo labada dhinac ay muujinayaan rabitaan ku aaddan in la ballaariyo iskaashiga labada dal.











