Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeybgalay munaasabadda xiritaanka la-xisaabtanka sannadlaha ah ee Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo lagu soo bandhigay natiijooyinka waxqabadka hay’adaha dowladda iyo heerka ay ka gaareen fulinta qorshayaashii loo dejiyay sannadka 2026.
Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay warbixinnada waxqabadka Wasaaradaha, iyadoo lagu qiimeeyay gaarista bartilmaameedyadii loo asteeyay, fulinta qorshayaasha dowladda iyo gudashada waajibaadka hay’adaha intii lagu jiray sannadkan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa billado guddoonsiiyay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda, kuwaas oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeyntii waxqabadka ee sannadkan.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku abaalmariyay hirgelinta hannaanka dijitaalka ah ee lagu la-socdo laguna qiimeeyo waxqabadka Wasaaradaha Xukuumadda.
Madaxweynaha ayaa Xukuumadda ku bogaadiyay dadaallada ay ku bixisay hirgelinta qorshayaasha dowladda iyo horumarinta adeegyada bulshada, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay la-xisaabtanka hay’adaha iyo shaqaalaha dowladda, hufnaanta shaqada iyo qiimeynta joogtada ah ee natiijooyinka waxqabadka.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Wasiirrada iyo hay’adaha dowladda ugu baaqay inay natiijooyinka la gaaray ka dhigtaan saldhigga lagu sii horumarinayo waxqabadka, isla markaana la saxo meelaha uu ka jiro gaabiska, si loo xaqiijiyo in qorshayaasha dowladda ay si muuqata uga jawaabaan baahiyaha iyo danta shacabka Soomaaliyeed.

























