Dhuusamareeb: Su’aalo siyaasadeed ayaa ka dhashay go’aanka lagu reebay Xisbiga Towfiiq, oo uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir, doorashada ku celiska ah ee lagu wado inay ka dhacdo Galmudug.
Arrintan ayaa xiiso gaar ah leh, maadaama Sheekh Shaakir uu horey dacwad uga gudbiyay hannaankii doorashadii Galmudug, taas oo ugu dambeyn gaartay Maxkamadda Sare ee dalka. Maxkamadda ayaa xukun ay soo saartay ku amartay in doorashada lagu celiyo, taasoo sababtay in geeddi-socodka doorashada dib loogu noqdo.
Si kastaba ha ahaatee, xilli la guda galay diyaar-garowga doorashada ku celiska ah, Xisbiga Towfiiq ayaa lagu soo warramayaa in laga reebay ka qeybgalka tartanka, arrintaas oo dhalisay su’aalo ku saabsan sababta xisbiga looga saaray doorashada iyo shuruudaha lagu saleeyay go’aankaasi.
Waxaa is-weydiin mudan in xisbiga loo diiday ka qeybgalka doorashada sababo la xiriira shuruudaha diiwaangelinta iyo hannaanka doorashada, mise ay jiraan arrimo siyaasadeed oo ka dambeeya go’aanka lagu reebay.
Dadka siyaasadda Galmudug ayaa sidoo kale is-weydiinaya sida ay xaaladdu u saameyn karto Sheekh Shaakir iyo taageerayaasha Xisbiga Towfiiq, gaar ahaan iyadoo xisbiga uu qeyb ka ahaa loollankii siyaasadeed ee horseeday in arrinta doorashada ay gaarto heer maxkamadeed.
Dhanka kale, haddii Xisbiga Towfiiq uu si rasmi ah uga cabanayo go’aanka lagu reebay, waxaa la filayaa inuu caddeeyo sababta rasmiga ah ee looga mamnuucay tartanka, iyo haddii uu qaadi doono tallaabo sharci ama siyaasadeed oo uu kaga hor imaanayo go’aanka guddiga doorashada.
Su’aasha ugu weyn ayaa hadda ah: Haddii Sheekh Shaakir uu ahaa dhinicii dacwadda gudbiyay ee sababta u noqday in doorashada lagu celiyo, maxaa keenay in Xisbiga Towfiiq laga reebo doorashada ku celiska ah?



