HomeWarkaMuqdisho oo ka furmay Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026

Muqdisho oo ka furmay Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka socda Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026, oo ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, khuburo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shirweynaha waxaa ka qeybgalaya Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka, wasiirrada warfaafinta ee dowlad-goboleedyada dalka, khuburo ku xeel dheer arrimaha warbaahinta iyo xiriirka dadweynaha, iyo wakiillo ka socda qeybaha kala duwan ee warbaahinta iyo bulshada.

Madashan ayaa diiradda lagu saaraya xoojinta xiriirka dowladda iyo warbaahinta, horumarinta istiraatiijiyadda xiriirka warbaahinta, is-dhaafsiga khibradaha iyo sidii loo heli lahaa hannaan mideysan oo lagu horumarinayo warbaahinta iyo xiriirka dadweynaha.

Sidoo kale, shirweynaha ayaa lagu wadaagayaa aragtiyo iyo talooyin ku saabsan doorka warbaahinta ee horumarinta bulshada, wacyigelinta shacabka iyo gudbinta macluumaad sax ah, hufan oo mas’uuliyad leh.

Ka qeybgalayaasha ayaa la filayaa inay soo bandhigaan fikrado iyo talooyin wax ku ool ah oo horseedi kara xiriir warbaahineed oo hufan, iskaashi dhow iyo istiraatiijiyad qaran oo loo dhan yahay, iyadoo la xoojinayo wada shaqeynta dowladda, dowlad-goboleedyada, warbaahinta iyo bulshada.

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo habka xiriirka iyo is-dhexgalka hay’adaha dowladda iyo warbaahinta, si loo helo hannaan casri ah oo ka jawaaba baahiyaha warbaahinta iyo bulshada Soomaaliyeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments