HomeWarka𝗚𝗨𝗗𝗗𝗢𝗢𝗠𝗜𝗬𝗔𝗛𝗔 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗢𝗢 𝗞𝗢𝗥𝗠𝗘𝗘𝗥𝗔𝗬 𝗪𝗘𝗕𝗜𝗚𝗔 𝗦𝗛𝗔𝗕𝗘𝗘𝗟𝗟𝗘 𝗜𝗬𝗢 𝗚𝗢𝗢𝗕𝗔𝗛𝗔 𝗔𝗬 𝗙𝗔𝗧𝗔𝗛𝗔𝗔𝗗𝗨𝗛𝗨 𝗞𝗔 𝗗𝗛𝗜𝗖𝗜...

𝗚𝗨𝗗𝗗𝗢𝗢𝗠𝗜𝗬𝗔𝗛𝗔 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗢𝗢 𝗞𝗢𝗥𝗠𝗘𝗘𝗥𝗔𝗬 𝗪𝗘𝗕𝗜𝗚𝗔 𝗦𝗛𝗔𝗕𝗘𝗘𝗟𝗟𝗘 𝗜𝗬𝗢 𝗚𝗢𝗢𝗕𝗔𝗛𝗔 𝗔𝗬 𝗙𝗔𝗧𝗔𝗛𝗔𝗔𝗗𝗨𝗛𝗨 𝗞𝗔 𝗗𝗛𝗜𝗖𝗜 𝗞𝗔𝗥𝗔𝗔𝗡

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kormeer ku sameeyay Webiga Shabeelle iyo goobaha nugul ee halista ugu jira fatahaadaha, xilli uu safar shaqo ku joogo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa intii uu ku guda jiray kormeerka qiimeeyay heerka biyaha Webiga Shabeelle, xaaladda goobaha nugul iyo meelaha ay fatahaaduhu saameyn karaan, iyadoo ujeeddadu tahay in la xoojiyo diyaar-garowga iyo tallaabooyinka looga hortagayo khataraha ka dhalan kara fatahaadaha.

Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa masuuliyiinta iyo bulshada Beledweyne ku booriyay in la dardargeliyo xoojinta iyo xiridda meelaha uu webigu ka jilicsan yahay, si loo yareeyo khatarta fatahaadaha iyo khasaaraha ay u geysan karaan dadka, deegaanka iyo hantida.

Kormeerka ayaa ku soo beegmaya xilli ay jiraan saadaallo la xiriira saameynta Super El Niño, taas oo kordhin karta khatarta roobab xooggan iyo fatahaado ka dhaca deegaanada ku teedsan webiyada.

Hay’adda SoDMA ayaa sheegtay in muhiimad gaar ah la siinayo diyaar-garowga, wacyigelinta bulshada iyo ka hortagga musiibooyinka, si loo yareeyo saameynta fatahaadaha iyo khataraha kale ee dabiiciga ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments