Muqdisho – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegay inay burburiyeen shabakado ka tirsan kooxda Khawaarijta, kuwaas oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen inay si qarsoodi ah uga dhex howlgalaan qaybo ka mid ah caasimadda Muqdisho iyo nawaaxigeeda.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay NISA, howlgalka ayaa lagu soo qabtay 11 xubnood oo lagu tilmaamay inay ka tirsanaayeen shabakado kala duwan, kuwaas oo sida la sheegay loo diyaarinayay inay fuliyaan falal waxyeello u geysanaya amniga iyo shacabka Soomaaliyeed.
NISA ayaa sheegtay in shabakadahan lagu burburiyay howlgallo qorsheysan oo ciidamadu ka fuliyeen degmooyinka Daarusalaam, Garasbaaley, Kaxda, Dayniile iyo Afgooye.
Intii ay howlgalladu socdeen, ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub iyo agab kale, kuwaas oo sida hayaddu sheegtay loo qorsheeyay in loo adeegsado fulinta falalka amni-darrada ah.
NISA ayaa tilmaantay in howlgaladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee hay’addu ku doonayso inay uga hortagto qorshayaasha kooxda Khawaarijta iyo isku dayada lagu waxyeelleynayo amniga caasimadda.



