MUQDISHO — Odayaasha dhaqanka, nabaddoonnada, salaadiinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay kaga hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay aragtiyo ku saabsan kaalinta Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan taageerada bani’aadannimo, caafimaadka, waxbarashada, horumarinta kaabeyaasha iyo dhismaha hay’adaha dowladda.
Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay si gaar ah u xusuustaan taageeradii Turkiga uu bixiyay xilliyadii adkaa ee dalka, iyagoo tilmaamay in iskaashiga labada dal uu sannadihii lasoo dhaafay ku fiday dhinacyo badan.
Qaar kamid ah odayaasha kulanka ka hadlay ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu leeyahay taariikh dheer, balse uu si gaar ah u xoogaystay wixii ka dambeeyay sanadkii 2011-kii.
Waxay tilmaameen in xilligaas Turkigu uu Soomaaliya ka fuliyay gurmad bani’aadannimo oo ballaaran, iyadoo dalka uu wajahayay abaar iyo xaalad nololeed oo aad u adag.
Odayaasha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday mashaariic laga hirgeliyay Soomaaliya oo ay ka mid yihiin xarumo caafimaad, adeegyo waxbarasho, taageero bani’aadannimo iyo mashaariic kaabayaal ah.
Waxay sheegeen in xiriirka labada dal uu u baahan yahay in la sii xoojiyo, iyadoo la ilaalinayo madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana iskaashigu ku salaysnaado danaha labada dhinac.
Kulanka ayaa kusoo aadaya xilli xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu leeyahay dhinacyo badan oo ay kamid yihiin iskaashiga dhaqaale, amni, horumarineed iyo bani’aadannimo.
Soomaaliya iyo Turkiga ayaa muddooyinkii dambe xoojiyay xiriirkooda, iyadoo labada dhinac ay iska kaashadaan arrimo kala duwan. Odayaasha dhaqanka ee maanta Muqdisho ku kulmay ayaa muujiyay muhiimadda ay u arkaan sii wadista xiriirka iyo iskaashiga labada dal.



