HomeWarkaShirka golaha wasiirada KGS oo looga hadlay qodobo xasaasi ah.

Shirka golaha wasiirada KGS oo looga hadlay qodobo xasaasi ah.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay xaaladda amniga, maamulka iyo dardargelinta adeegyada bulshada.

Shirka ayaa xoogga lagu saaray xoojinta amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo Golaha Wasiiradu ay isla eegeen sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamulka, si loo adkeeyo amniga iyo nabadgelyada shacabka.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale ka hadlay u diyaar-garowga fatahaadaha iyo saameynta El Niño, waxaana la qiimeeyey qorshayaasha loogu talagalay ka hortagga iyo yareynta saameynta fatahaadaha iyo xaaladaha cimilada.

Doodda ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray deegaannada iyo bulshada nugul, iyadoo la isla eegay tallaabooyinka loo baahan yahay si loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara fatahaadaha iyo xaaladaha cimilada.

Qodobada kale ee shirka looga hadlay waxaa ka mid ahaa maamul-daadejinta iyo dardargelinta qorshayaasha lagu xoojinayo maamulka iyo adeegyada dowladda ee heerarka kala duwan.

Golaha Wasiirada ayaa falanqeeyey sidii adeegyada aasaasiga ah loogu dhoweyn lahaa shacabka, loona horumarin lahaa tayada iyo hufnaanta adeegyada ay bixiyaan hay’adaha Dowladda Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, waxaa laga hadlay isla-xisaabtanka, hufnaanta shaqada hay’adaha dowladda iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay in qorshayaasha dowladda loo beddelo waxqabad muuqda oo bulshada ay ka faa’iideysato.

Dhankiisa, Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Golaha Wasiirada kula dardaarmay in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, isla markaana la dardargeliyo fulinta qorshayaasha wax looga qabanayo baahiyaha shacabka.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale ku boorriyey Golaha Wasiirada in xoogga la saaro horumarinta adeegyada dowladda, adkeynta amniga iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee maamulka, si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo bulshada Koonfur Galbeed ay si toos ah uga faa’iideysato.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments