HomeWarkaPuntland oo Gacanta ku Dhigtay Ciidamo Hubeysan iyo Hubkii ay Wateen

Puntland oo Gacanta ku Dhigtay Ciidamo Hubeysan iyo Hubkii ay Wateen

Ciidanka Booliska Gobolka Karkaar ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen koox maleeshiyaad hubeysan ah oo jidgooyo ku sameeyay waddo ku taalla duleedka bari ee magaalada Qardho.

Sida uu Boolisku sheegay, kooxdan ayaa dhibaato ku haysay shacabka iyo isu socodka gaadiidka, waxaana ciidamadu ay ku soo qabteen howlgal qorsheysan oo lagu xaqiijinayay amniga iyo isu socodka waddada.

Howlgalka ayaa yimid kaddib markii ay soo baxeen warar ku saabsan maleeshiyaad hubeysan oo jidgooyo dhigtay duleedka bari ee Qardho, kuwaas oo carqalad ku hayay dadka iyo gaadiidka isaga kala gooshayay waddada.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Karkaar ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanku ay gacanta ku dhigeen maleeshiyaad abaabulan oo jidka goostay, iyadoo sidoo kale laga qabtay hubkii ay wateen.

“Ciidamada amniga waxay qabteen maleeshiyaad abaabulan oo jidka goostay, kuwaas oo dhibaato ku hayay shacabka iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka. Sidoo kale waxaa la qabtay hubkii ay wateen,” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska.

Howlgalka waxaa hoggaaminayay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar, G/sare Bashiir Maxamed Maxamuud, iyo Taliyaha Madaxtooyada Gobolka Karkaar, Gaashaanle Cabdi Xirsi Aadan.

Labada taliye ayaa howlgalka ka fuliyay aagga ay jidgooyadu ka jirtay xilli ay kasoo laabteen deegaanka Kuur-ilaalo ee degmada Rako-raaxo, iyadoo ciidamada ay qaadeen tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga iyo in dib loo soo celiyo isu socodka waddada.

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Karkaar ayaa sheegay inuusan u dulqaadan doonin cid kasta oo isku dayda inay jidgooyo dhigato, cabsi geliso shacabka ama carqalad ku noqoto amniga iyo kala dambeynta.

Booliska ayaa sidoo kale xusay inay sii wadi doonaan howlgalada amni ee ka socda gobolka, kuwaas oo lagu doonayo in lagu xaqiijiyo ammaanka shacabka, laguna ilaaliyo isu socodka dadka iyo gaadiidka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments