Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta qaabbilay wafdi uu hoggaaminayay Sii-hayaha Agaasimaha Fulinta Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP), Carl Skau.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Barnaamijka Cunnada Adduunka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha sugnaanta cunnada iyo daryeelka bulshada, kuwaas oo qayb muhiim ah ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaran ee Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay u-diyaargarowga xaaladda El Niño iyo digniinaha la xiriira roobab xooggan iyo fatahaado laga cabsi qabo inay saameeyaan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu gorfeeyay qorshayaasha lagu gaari karo xalal waara oo wax looga qabanayo caqabadaha la xiriira sugnaanta cunnada iyo daryeelka bulshada, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo xoojinta awoodda Soomaaliya ay ugu diyaargarowdo xaaladaha degdegga ah iyo saameynta isbeddelka cimilada.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay muhiim tahay in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dowladda, si loo taageero dadaallada lagu xaqiijinayo sugnaanta cunnada, ilaalinta bulshada iyo u diyaargarowga xaaladaha bani’aadannimo ee dalka.



