HomeWarkaRa’iisul Wasaare Xamsa oo Qaabilay Xoghayaha Guud ee Aagga Ganacsiga Xorta ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qaabilay Xoghayaha Guud ee Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), Wamkele Mene, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo AfCFTA, gaar ahaan fursadaha ganacsi iyo dhaqaale ee ka dhalan kara ku biirista Soomaaliya ee nidaamka Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in booqashada Xoghayaha Guud ee AfCFTA ay ku soo beegantay xilli muhiim ah, iyadoo Soomaaliya ay qaadatay go’aan qaran oo ay uga mid noqonayso nidaamka ganacsiga xorta ah ee qaaradda.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay in si wax-ku-ool ah loo dhaqan-geliyo heshiisyada ganacsi, si Soomaaliya iyo dalalka kale ee gobolka ay uga faa’iideystaan fursadaha dhaqaale iyo suuqyada uu AfCFTA abuuro.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad cusub oo dhanka dhaqaalaha ah, iyadoo Dowladda Federaalka ay xoogga saarayso hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025–2029, xoojinta hay’adaha dowladda, dhiirrigelinta maalgashiga iyo kobcinta wax-soo-saarka gudaha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa wafdiga AfCFTA u soo bandhigay fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee Soomaaliya, gaar ahaan xeebta dheer ee dalka, dekedaha iyo marin-biyoodka istaraatiijiga ah, kuwaas oo uu sheegay inay door muhiim ah ka qaadan karaan isku-xirka Soomaaliya iyo suuqyada Afrika.

Dowladdu waxay sidoo kale mudnaan siinaysaa kordhinta qiime-darista wax-soo-saarka gudaha, gaar ahaan beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga, si badeecooyinka Soomaaliya loogu diyaariyo heerarka caalamiga ah loogana dhigo kuwo si fudud uga qayb qaata suuqyada qaaradda Afrika.

Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee AfCFTA, Wamkele Mene, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay qaabilaadda, isagoo sheegay inuu indhihiisa ku arkay horumarka Soomaaliya ka samaysay dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, wax-soo-saarka, xoojinta hay’adaha dowladda iyo qorshayaasha lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka.

Booqashada ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo xiriirka ganacsi ee dalalka Afrika iyo sidii dalka looga faa’iideysan lahaa fursadaha dhaqaale ee ka dhasha isku-xirka suuqyada qaaradda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments