HomeWarkaWASIIRKA GAASHAANDHIGGA OO KA HADLAY DAGAALKII SAAKA KA DHACAY BAYDHABO.

WASIIRKA GAASHAANDHIGGA OO KA HADLAY DAGAALKII SAAKA KA DHACAY BAYDHABO.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka hadlay dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Baydhabo, isagoo sheegay in ciidamada Dowladda Federaalka ay jab xooggan gaarsiiyeen kooxdii weerarka kusoo qaaday magaalada.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada weerarka soo qaaday ay ahaayeen maleeshiyaad taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kuwaas oo, sida uu sheegay, mataano la ah kooxda Al-Shabaab.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa horey u sheegtay in dagaalku uu billowday aroortii, kadib markii kooxdaasi ay weerar ku soo qaaday magaalada Baydhabo. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada dowladda ay si xooggan uga hortageen weerarka.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Baydhabo ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo dhinacyada taageersan Laftagareen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments