HomeWarkaWasiirka Amniga Gudaha oo Shiinaha Kaga Qaybgalay Madasha Caalamiga ah ee Iskaashiga...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Shiinaha Kaga Qaybgalay Madasha Caalamiga ah ee Iskaashiga Amniga.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa maanta magaalada Lianyungang ee dalka Shiinaha kaga qeybgalay furitaanka Madasha Caalamiga ah ee Iskaashiga Amniga Shacabka 2026.

Madashan oo ay ka qeybgalayaan in ka badan 2,100 qof oo ka kala socda 139 dal, gobol iyo hay’ado caalami ah, ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga amni ee caalamiga ah iyo sidii si wadajir ah looga hortagi lahaa khataraha amni ee xuduudaha ka gudba.

Ajandayaasha muhiimka ah ee madasha waxaa ka mid ah la-dagaallanka argagixisada iyo dambiyada abaabulan, dambiyada internetka, mukhaadaraadka, amniga socdaalka, iyo sidii looga faa’iideysan lahaa tiknoolajiyada casriga ah ee dhinaca amniga.

Ka qeybgalka Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga amni ee caalamiga ah, iyadoo sidoo kale fursad u siinaya Soomaaliya inay la wadaagto dalalka kale khibradaha iyo hababka casriga ah ee looga hortago dambiyada abaabulan iyo khataraha amni ee xuduudaha ka gudba.

Madashan ayaa sidoo kale muhiim u ah is-dhaafsiga khibradaha iyo aqoonta la xiriirta amniga, gaar ahaan adeegsiga tiknoolajiyada iyo xalalka casriga ah ee lagu xoojin karo amniga iyo badqabka bulshada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments