Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, kaas oo looga hadlay xaaladda amniga dalka, waxqabadka Xukuumadda, dhaqaalaha iyo warbixin ku saabsan Sumadda Qaranka Soomaaliya.
Kulanka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Golaha looga dhageystay warbixinno ay soo jeediyeen Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, kuwaas oo lagu faahfaahiyay xaaladda amni ee guud ahaan dalka.
Wasaaradaha ayaa sheegay in Ciidamada Qalabka Sida ay guulo muhiim ah ka gaareen howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo lagu dilay qaar kamid ah horjoogayaasha kooxda, halka ay sidoo kale kordheen tirada xubnaha isdhiibaya iyo kuwa lagu qabqabtay howlgallada ciidamada.
Golaha ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan dib-u-eegista iyo qiimeynta waxqabadka Xukuumadda DanQaran, xilli Xukuumaddu gashay sanadkeedii shanaad ee adeegga shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la qiimeynayo heerka laga gaaray qorshayaashii iyo waajibaadkii loo igmaday.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa ka hadlay Sumadda Qaranka, iyadoo warbixinta arrintaasi ay si wadajir ah u soo jeediyeen Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay shaqada Guddiga Sumadda Qaranka, isagoo sheegay in ay muhiim tahay in la mideeyo lana hagaajiyo astaamaha qaranka, si hay’adaha dowladda ay u adeegsadaan calaamado qaran oo isku mid ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ammaanay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, isagoo ku tilmaamay xaaladda amniga dalka mid maraysa heer lagu diirsan karo.
Xamsa Cabdi Barre ayaa laamaha amniga faray in si adag loo xakameeyo hubka lagu dhex qaato caasimadda, isagoo sheegay in hubka la qaadanayo uu lahaado ujeeddo amni oo cad.
“Qof aan hub la’aan socon karin ma leh caasimadda. Hub lagu xaragoodo ma doonayno. Hubka la wato kaliya waa in uu noqdaa mid hawlgal amni lagu xaqiijinayo, ciddii kale ee hub wadata waa in la marsiiyaa habraacyadii amniga,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.



