HomeWarkaMADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KORMEER KU TAGAY TALISKA KUMAANDOOSKA GORGOR+SAWIRO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KORMEER KU TAGAY TALISKA KUMAANDOOSKA GORGOR+SAWIRO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, halkaas oo ay ku sugnaayeen cutubyo ka tirsan Guutada 21-aad ee Gorgor oo dhowaan soo dhammaystay tababar heer sare ah.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageystay Taliska iyo saraakiisha ciidamada, isagoo sidoo kale booqday xarumaha kala duwan ee Taliska, deegaanka ciidamada, Isbitaalka Qaybta iyo xarumaha saadka, si uu ugu kuurgalo xaaladda ciidamada, adeegyada ay helaan iyo heerka diyaar-garowgooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay doorka ciidamada Gorgor ee difaaca dalka iyo dagaalka lagula jiro Khawaarijta, isagoo faray inay u diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah iyo xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee ah Soomaaliya ka xor ah Khawaarijta.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa Dowladda iyo shacabka Türkiye uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay Soomaaliya ka siiyaan dib-u-dhiska, tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan horumarinta cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments