Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Wakiilka Sare ee Hindiya u fadhiya Kenya ahna Safiirka Hindiya ee Soomaaliya, Adarsh Swaika.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Hindiya ee dhinacyada warfaafinta iyo dhaqanka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray horumarinta xirfadaha iyo aqoonta shaqaalaha, u guurista nidaamyada dhijitaalka ah iyo kobcinta iskaashiga dhinaca fanka iyo dhaqanka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa iskaashiga hay’adaha warbaahinta iyo dhaqanka ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada tababarrada, horumarinta awoodda shaqaalaha iyo adeegsiga teknoolojiyadda casriga ah.
Wasiir Cabdifataax Qaasim ayaa uga mahadceliyay Dowladda Hindiya taageerada iyo iskaashiga ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo warbaahinta qaranka, kooxaha dhaqanka iyo kobcinta awoodda shaqaalaha.
Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Hindiya, iyadoo labada dal ay iska kaashanayaan dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin horumarinta warbaahinta, dhaqanka iyo adeegsiga teknoolojiyadda.



