HomeWarkaGuddoomiyaha Golaha Shacabka oo Ka Qeybgalay Furitaanka Shirweynaha 153-aad ee IPU

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Ka Qeybgalay Furitaanka Shirweynaha 153-aad ee IPU

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka (IPU), kaas oo si rasmi ah uga furmay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

Shirweynaha ayaa waxaa si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha Tanzania, Dr. Mwigulu Lameck Nchemba, iyadoo ay ka qeybgalayaan madax iyo wakiillo ka socda baarlamaanno dalal kala duwan oo caalamka ah.

Shirweynaha IPU-da oo soconaya muddo shan maalmood ah, ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo la xiriira xoojinta dowlad-wanaagga, iskaashiga baarlamaannada iyo awood-siinta bulshada.

Hal-ku-dhigga guud ee shirweynaha sanadkan ayaa ah: “Horumarinta dowlad-wanaagga, iskaashiga baarlamaannada iyo awood-siinta bulshooyinka, iyadoo loo marayo ka-qaybgal loo dhan yahay, kalsooni iyo fursado loo siman yahay.”

Inta uu socdo shirweynaha, waxaa la filayaa in madaxda iyo xubnaha baarlamaannada ka qeybgalaya ay ka wada hadlaan arrimo muhiim u ah horumarinta hay’adaha sharci-dejinta, xoojinta dimuqraadiyadda, dowlad-wanaagga iyo kor u qaadista ka-qaybgalka bulshada ee geeddi-socodka siyaasadeed.

Ka qeybgalka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sidoo kale fursad u ah in Soomaaliya ay qeyb ka noqoto doodaha iyo kulamada caalamiga ah ee looga hadlayo doorka baarlamaannada iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya hay’adaha sharci-dejinta ee dalalka caalamka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments