HomeWarkaTaliska CXD oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Jeneraal Maxamuud Geescade

Taliska CXD oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Jeneraal Maxamuud Geescade

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Jeneraal Maxamuud Geescade.

Taliyuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay halyey qaran oo door muhiim ah ka soo qaatay difaaca dalka iyo u adeegidda qaranka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, Taliyuhu waxa uu Alle (SWT) uga baryay in uu marxuumka Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, qoyskiisa, ehelkiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeedna uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments