HomeWarkaWASIIRU DOWLAHA GAASHAANDHIGGA OO TABABAR DIB-U-CELIN AH U SOO XIRAY CIIDAMO KA...

WASIIRU DOWLAHA GAASHAANDHIGGA OO TABABAR DIB-U-CELIN AH U SOO XIRAY CIIDAMO KA TIRSAN CXDS

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa tababar dib-u-celin ah u soo xiray ciidamo ka tirsan Ururka 231-aad ee Guutada 232-aad, Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda xiritaanka tababarkan ayaa lagu qabtay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Har-qaboobe, magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ciidamada lagu siiyay tababar lagu xoojinayo aqoontooda, xirfadahooda ciidan iyo diyaargarowgooda hawlgallada amni.

Wasiiru Dowlaha ayaa ciidamada ku boorriyay inay sii laba-jibbaaraan dadaallada iyo hawlgallada ka socda furimaha dagaalka, si loo wiiqo awoodda maleeshiyaadka Al-Shabaab, loona xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Sidoo kale, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi ayaa bogaadiyay doorka iyo hawlaha ay ciidamadaasi hore uga soo qabteen furimaha dagaalka, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Tababarkan dib-u-celinta ah ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku doonayaan tayeynta ciidamada, kor u qaadista xirfadahooda iyo xoojinta awoodda ay ugu diyaar garoobayaan hawlgallada lagu sugayo amniga dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaallo lagu horumarinayo tayada iyo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka, si ay u gutaan waajibaadkooda ku aaddan difaaca dalka iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan ee amniga khatarta ku ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments