HomeWarkaTaliyaha Booliiska Soomaaliyeed oo Daahfuray Kulan Looga Hadlay Taageerada Howlgalka Booliiska Qaramada...

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed oo Daahfuray Kulan Looga Hadlay Taageerada Howlgalka Booliiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa daahfuray kulan looga hadlayay taageerada iyo wada-shaqeynta u dhaxaysa Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Howlgalka Booliiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Xafiiska Amniga Qaranka, saraakiil ka socday Booliiska Dowlad-goboleedyada, iyo xubno ka tirsan Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka ayaa diiradda lagu saaray taageerada uu Howlgalka Booliiska Qaramada Midoobay siiyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada tababarrada, maareynta dambiyada, ilaalinta xuquuqda aadanaha, maamulka amniga iyo dib u dhiska xarumaha shaqada.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay iyo dhammaan saaxiibbada caalamka taageerada ay la garab taagan yihiin Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Taliye Asad ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta iyo taageerada ay ciidamada Booliisku ka heleen saaxiibbada caalamka muddadii 13-ka sano ee la soo dhaafay, taas oo gacan ka geysatay horumarinta tayada, tayeynta xirfadaha iyo dib-u-dhiska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, si ay u helaan karti iyo xirfad ay si hufan ugu gutaan waajibaadkooda ku aaddan sugidda amniga, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo la dagaallanka dambiyada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments