Xafiiska Ra’iisul Wasaaradaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya iyo Machadka Maareynta ee Gobollada Bariga iyo Koonfurta Afrika (ESAMI) ayaa kala saxiixday heshiis is-af-garad ah oo looga gol-leeyahay xoojinta karaanka howl-wadeennada dowladda Soomaaliya iyo hagaajinta tayada iyo wax-ku-oolnimada adeegyada ay dowladdu siiso Shacabka Soomaaliyeed.
Xog-haye ku Xigeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdirizaq Ibrahim Cali iyo Agaasimaha Guud ee ESAMI Prof. Peter Kiuluku ayaa heshiiskan ku kala saxiixday magaalada Caruusha ee dalka Tanzaaniya.
Is-af-garadkan ayaa fududeyn doona tayeynta howl-wadeennada dowladda Soomaaliya, horumarinta xirfadaha hoggaamineed, aqoonta, is-dhaafsiga waayo-aragnimada iyo horumarinta xirfadaha shaqo ee shaqaalaha rayidka ah, iyada oo mudnaan gaar ah la siinayo xoojinta wax-qabadka hay’adaha dowliga ah iyo adeeg bixintooda hufan.
Is-af-garadkani waxa uu ka tarjumaya go’aanka dowladda Soomaaliya ee ay ku maalgelineyso shaqaalaheeda rayidka ah si ay u noqdaan kuwo leh karaan, xirfad hoggaamineed iyo adeeg bixin dadweyne oo wax-ku-ool ah taas oo ka dhigeysa arrimaha hortebinta u leh dowladda Soomaaliya iyo is-beddellada ay dooneyso in ay gaarto si loo hagaajiyo adeegyada ay siiso shacabka Soomaaliyeed.



