Qeytii 2aad:-
…..Caawa Ma leysu yimid…Tana Ma ii Dhineyd…. Ma Qabrigeygaa Halkaan Ka Qodnaa…. Markuu intaas Hadalka Marinayay Ayaa Waxaa Kusoo Kacay mid Kamid ah Labadii Wiil ee Qolka LaJiiftay.
Qolka Waa Mugdi oo Qofkii Isha Farta Kaa Galinaya Xataa Aadan Arkeynin…. Kii Soo Kacay Yoonis inta La Hadlay ku yiri:-
” Aamu Aan Shanqarta Dhageystee…. Sidoo Kale isna Waxa ay Dhagahiiisu Maqlayeen Shanqar u Yara eg in Saqaf Kore Lasaaran yahay Lana soo Jaraya Jiingadda.
Warwarkii ayaa kusii Batay Yoonis Markuu Maqlay in Wiilku Cabeysanayo Bastoolad Qolka u Taalay.
kii Sedexaad isna Waxa uu kusoo Kacay Shanqarta Cabeynta Bastooladda, Waxaa Leysu Sheegay in Lays Difaaco ilaa Naftu Hal Mar unbey Geeriyooneysaahee.
Kii Bistoolada Gacanta ku Hayay ayaa Labo Mirood oo Rasaas ah kor u Riday…. Kadibna Waxa ay Maqleen jugta Dad Dhulka usii Daadanaya….
Balse Halkii Rasaastu Daloolisay ayaa Waxaa kasoo dhibcayay dhiig tifiq tifiqdiisu Kala dheertahay…..Halkaas Waxaa Ka Cadaatay in Xaalku Sahlaneyn.
Labada Wiil Kale ee ay Qolka Wada Jiifaan Yoonis iyagu Sheekadan Kuma Cusba, oo Tobon Sano iyo Kabadan ayeey Wadanka ku Sugan yihiin Kana Ganacsanayeen Meelaha Ka Baxsan Magaalyinka.
Yoonis oo Layaaban Soo Dhaweynta Nasiib Darada ah ee uu….
Lasoco Qeybta 3aad
Qalinka:- Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji Tahriib)




