Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu rajeynayo in dagaalka Iran, oo galay bishiisii toddobaad, uu ku dhow yahay dhammaad, inkastoo ilaa hadda aan la hayn heshiis rasmi ah oo muujinaya in colaadda si degdeg ah loo soo afjarayo.
Hadalkan Trump ayaa yimid xilli warar cusub ay sheegayaan in Madaxweynaha Mareykanka uu toddobaadka soo socda magaalada New York kula kulmi doono madaxda ama wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC).
Sida ay sheegtay warbaahinta Axios, Trump ayaa la filayaa inuu Talaadada 22-ka Sebtembar kulan la yeesho madaxda ama wasiirrada arrimaha dibadda ee lixda dal ee GCC, kuwaas oo kala ah Sacuudi Carabiya,Imaaraadka Carabta,Qatar, Baxrayn, Kuwait iyo Cumaan
Kulanka ayaa ka dhacaya dhinacyada shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka socda New York, waxaana la filayaa in diiradda lagu saaro xaaladda dagaalka Iran iyo waxa laga yeelayo marxaladda ka dambeysa dagaalka.
Warbixinta Axios ayaa sheegtay in kulanka uu si gaar ah diiradda u saari doono aragtiyada iyo qorshayaasha Mareykanka ee marxaladda dagaalka ka dambeysa, iyadoo Washington ay doonayso inay kala tashato dalalka Khaliijka sida loo wajahayo xaaladda haddii colaadda Iran la soo afjaro.
Dalalka Khaliijka ayaa si toos ah u saameeyay dagaalka, maadaama ay martigeliyaan saldhigyo militari oo Mareykan ah, halka weerarrada iyo carqaladaha ka dhashay colaadda ay sidoo kale saameeyeen dhoofinta shidaalka iyo gaaska iyo dhaqaalaha gobolka.
Inkasta oo Trump uu sheegay inuu rajeynayo in dagaalku dhammaanayo, haddana warbixinnada hadda jira ma muujinayaan heshiis kama dambeys ah oo ay labada dhinac gaareen.
Dagaalku wuxuu billowday 28-kii Febraayo, kaddib weerarro ay Mareykanka iyo Israel ku qaadeen Iran, waxaana xigay weerarro aargoosi ah oo Iran ay ku qaaday Israel iyo saldhigyo Mareykan ah oo ku yaalla gobolka. Colaadda ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay marinada muhiimka ah ee ganacsiga iyo tamarta, gaar ahaan Marin-biyoodka Hormuz.
Dhanka kale, xiisadda gobolka ayaa sii murugsan iyadoo Xuutiyiinta Yemen iyo Sacuudiga ay isku dhacyo cusub ku dhex yeesheen gobolka, taasoo kordhisay walaaca laga qabo saameynta dagaalka Iran inuu ku fido dalal kale oo Bariga Dhexe ah.
Ilaa hadda, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka kama aysan jawaabin codsiyada Reuters ee ku saabsan qorshaha kulanka Trump iyo madaxda Khaliijka.
Sidaas darteed, kulanka la qorsheeyay iyo ajandihiisa waxaa weli lagu soo waramayaa ilo xog-ogaal ah, halka faahfaahinta rasmiga ah ee dowladda Mareykanka laga sugayo



