Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Jubaland, Cabdirashiid Janan, ayaa guddoomiyay shir looga hadlay xaaladda amniga iyo nabadgelyada Gobolka Gedo, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amni ee gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu sugayo nabadgelyada.
Shirka waxaa lagu falanqeeyay xaaladda guud ee amniga, dhaqdhaqaaqyada kooxaha hubeysan iyo caqabadaha amni ee ka jira deegaannada Gobolka Gedo.
Cabdirashiid Janan ayaa saraakiisha iyo mas’uuliyiinta ka qeyb galay shirka ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee gobolka, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga hay’adaha amniga iyo feejignaanta ciidamada.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu gorfeeyay sidii loo xoojin lahaa howlaha amni iyo xog-ururinta, si looga hortago falalka wax u dhimaya nabadgelyada shacabka iyo xasilloonida deegaannada Gobolka Gedo.
Gobolka Gedo ayaa kamid ah deegaannada istiraatiijiga ah ee Jubaland, waxaana marar kala duwan ka dhacay howlgallo iyo iska horimaadyo la xiriira amniga.
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay hay’adaha amniga Jubaland wadaan dadaallo lagu xoojinayo sugidda amniga iyo nabadgelyada, iyadoo mas’uuliyiintu ay xoogga saarayaan in shacabka iyo deegaannada gobolka laga ilaaliyo khataraha amni.
Shirka uu guddoomiyay Cabdirashiid Janan ayaa ugu dambeyn diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha amniga, wada-shaqeynta hay’adaha iyo ilaalinta nabadgelyada shacabka Gobolka Gedo.






