HomeWarkaWASIIR BEENEBEENE OO KA HADLAY FAA’IIDOOYINKA SOOMAALIYA KA FILAYSO XUBINNIMADA BULSHADA BARIGA...

WASIIR BEENEBEENE OO KA HADLAY FAA’IIDOOYINKA SOOMAALIYA KA FILAYSO XUBINNIMADA BULSHADA BARIGA AFRIKA

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ay fursado dhaqaale iyo ganacsi u abuureyso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada dalka ku leh danaha ganacsi ee dalalka gobolka.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay Shirweynaha Saddexaad ee Bulshada Bariga Afrika (EACON 2026), oo maalintiisii labaad ka socday magaalada Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saarayo maalgashiga, iskaashiga dhaqaale iyo sidii Soomaaliya uga faa’iidaysan lahayd fursadaha ka jira suuqa gobolka.

“Dowladda Soomaaliyeed waxay fursad u abuurtay dadka Soomaaliyeed ee ganacsiyada ku lahaa dalalka Afrika, waana sababta aan ugu biirnay Ururka Bulshada Bariga Afrika,” ayuu yiri Wasiir Beenebeene.

Wasiirka ayaa shirweynaha kaga hadlay ajandaha maalgashiga qaranka iyo qorshaha Soomaaliya ee ku aaddan ka faa’iidaysiga fursadaha dhaqaale ee ka jira dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in mudnaanta maalgashi ee Soomaaliya lagu xiro fursadaha ganacsi iyo dhaqaale ee gobolka, si loo xoojiyo iskaashiga, loo dhiirrigeliyo maalgashiga, loona abuuro jawi ganacsi oo kobciya dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu xoogga saaray isku xirka qorshayaasha horumarinta qaranka iyo kuwa gobolka, taas oo qayb ka noqon karta dadaallada lagu ballaarinayo iskaashiga dhaqaale iyo kobcinta ganacsiga Soomaaliya.

Shirweynaha EACON 2026 ayaa lagu falanqaynayaa iswaafajinta shuruucda Soomaaliya iyo Heshiiska Bulshada Bariga Afrika, kor u qaadista tartanka ganacsiga iyo horumarinta aqoonta iyo xirfadaha bulshada.

Arrimahan ayaa muhiim u ah sidii ganacsatada Soomaaliyeed ay uga qayb qaadan lahaayeen suuqa gobolka, isla markaana shirkadaha gudaha ay u heli lahaayeen fursado ballaaran oo la xiriira badeecadaha, adeegyada iyo maalgashiga.

Ku biirista Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika waxay dalka u furaysaa fursado cusub oo iskaashi dhaqaale, hase yeeshee ka faa’iidaysigooda wuxuu ku xirnaan doonaa hirgelinta heshiisyada gobolka, diyaarinta hay’adaha dalka iyo awoodda ganacsatada Soomaaliyeed ee ay kula tartami karaan suuqyada kale.

Shirweynaha ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo doorka Soomaaliya ee iskaashiga gobolka, iyadoo la raadinayo habab kor loogu qaadi karo maalgashiga, loo ballaarin karo fursadaha shaqo, loona taageeri karo kobaca dhaqaalaha dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments