Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si weyn uga baraarugsan tahay aafooyinka soo noqnoqda ee dalka ka dhaca, isla markaana ay muhiim tahay in la helo xalal waara oo lagu yareeyo saameyntooda.
Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay Meertada Saddexaad ee Shirweynaha U Adkeysiga Aafooyinka Soomaaliya (SDRC 2026), oo sanadkan diiradda lagu saarayo hal-ku-dhegga ah: “Ka Gudbidda Aafooyinka Soo Noqnoqda una Gudbidda Adkeysi Waara oo Soomaaliya u Horseeda Mustaqbal Wanaagsan iyo Soo Kabasho Waarta.”
Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay cilmi-baaris dhab ah oo saldhig u noqota fahamka sababaha aafooyinka, qorsheynta wax-ka-qabashadooda iyo dejinta xalal waara oo dalka ka caawiya inuu ka gudbo dhibaatooyinka soo noqnoqda.
Wasiirka ayaa tilmaamay in isbeddelka cimiladu uu qayb weyn ka qaato aafooyinka dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin abaaraha, fatahaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee saameeya nolosha bulshada, dhaqaalaha iyo deegaanka.
Waxa uu xusay in loo baahan yahay in la xoojiyo cilmi-baarista, qorsheynta iyo dadaallada lagu dhisayo awoodda dalka ee ka hortagga aafooyinka, si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha musiibooyinka, loona kordhiyo awoodda bulshada ee u adkeysiga dhibaatooyinka.
Dhankiisa, Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa bogaadiyay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), dadaallada ay ugu jirto wax-ka-qabashada aafooyinka iyo raadinta xalal lagu yareynayo dhibaatooyinka dalka ka jira.
Wasiirka ayaa sidoo kale ku baaqay in shirweynaha laga soo saaro qodobo wax-ku-ool ah oo horseeda tallaabooyin la taaban karo, laguna xallin karo caqabadaha la xiriira aafooyinka iyo saameynta isbeddelka cimilada.
Shirweynaha SDRC 2026 ayaa muhiimad gaar ah u leh xoojinta iskaashiga hay’adaha dowladda iyo dhinacyada kale ee ka shaqeeya maaraynta aafooyinka, iyadoo la doonayo in Soomaaliya ay ka gudubto wax-ka-qabashada xaaladaha degdegga ah una gudubto qorsheyaal waara oo lagu dhisayo adkeysiga bulshada iyo soo kabashada dalka.



