Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cali, ayaa kulan sagootin ah la yeeshay Safiirkii Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiyey Soomaaliya, Axmed Maxamed Saalax Al-Muwallad.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo wasiirku uu safiirka uga mahadceliyey doorkii uu ka qaatay xoojinta xiriirka labada dal intii uu xilka hayay.
Wasiir Cabdisalaam Cali ayaa safiirka u rajeeyey guul iyo horumar ku aaddan waajibaadkiisa cusub, isaga oo muujiyey muhiimadda ay leedahay sii wadista xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.
Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya ayaa leh xiriir ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi dhinacyo kala duwan leh, iyadoo kulamadan diblomaasiyadeed ay qayb ka yihiin dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka labada dal.



