HomeWarkaDaawo: Ciidamadii ka hortagay weerarkii baydhabo oo neefaf geel ah lagu abaalmariyay.

Daawo: Ciidamadii ka hortagay weerarkii baydhabo oo neefaf geel ah lagu abaalmariyay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo ka qeyb qaatay iska-caabbintii weerar lagu soo qaaday magaalada Baydhabo, ayaa lagu guddoonsiiyay 20 neef oo geel ah.

Geela ayaa waxaa ciidamada ku wareejiyay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay), isagoo wakiil ka ahaa Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay tahay abaalmarin iyo dhiirrigelin loo sameeyay ciidamada ka qeyb qaatay difaaca magaalada Baydhabo xilli ay magaalada soo wajahday xaalad amni oo adag.

Munaasabadda lagu wareejinayay geela ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Koonfur Galbeed, kuwaas oo bogaadiyay dadaalka ciidamada iyo doorka ay ka qaateen sugidda amniga.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale sheegay in taageerada iyo dhiirrigelinta ciidamada ay muhiim u tahay xoojinta amniga iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan ee khatarta ku haya shacabka iyo deegaannada Koonfur Galbeed.

20-ka neef ee geela ah ayaa sidaas loogu wareejiyay ciidamada, iyadoo tallaabadan ay noqotay mid lagu muujinayo mahadcelin iyo abaalmarin loo fidiyay ciidamadii ka qeyb qaatay difaaca Baydhabo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments