Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa si kulul uga hadlay xiisadda siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka taagan magaalada Muqdisho, kuwaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Xasan Cali Khayre ayaa ka digay tallaabooyinka ugu dambeeyay ee dowladda, isaga oo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada ee ka ag dhow guryaha ay deggan yihiin madaxda mucaaradka ku tilmaamay daandaansi sababi kara colaad hor leh iyo xasillooni-darro amni oo ka dhacda caasimadda.
“Waxaan si adag uga digayaa cawaaqibka xun ee ka dhalan kara daandaansiga iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee taliska Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu ku beegsanayo guryaha ay Muqdisho ka deggan yihiin madaxdii hore ee qaranka. Tallaabooyinkani waxay abuurayaan jawi colaadeed oo caasimadda dalka u horseedi kara xasillooni-darro, qalalaase amni iyo hubanti la’aan siyaasadeed,” ayuu yiri Khayre.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay inuu waddo tallaabooyin sii hurin kara xiisadda, isla markaana halis gelin kara nolosha madaxda mucaaradka.
“Waxaa ayaandarro ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u oomman yahay dhiig hor leh, kuna hawlan yahay ficillo uu ku banneysanayo dhiigga madaxdii hore, waxaana ummadda Soomaaliyeed si cad ugu sheegaynaa in Madaxweynaha waqtigiisu idlaaday uu qaadayo masuuliyadda cawaaqib kasta oo ka dhasha tallaabooyinkan,” ayuu sii raaciyay.
Xasan Cali Khayre ayaa carrabka ku adkeeyay in xiisadda siyaasadeed ee dalka ka taagan aan lagu xallin karin awood ciidan iyo cagajugleyn, isaga oo ku baaqay in dhinacyadu dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka si heshiis siyaasadeed looga gaaro arrimaha doorashada.
“Awood ciidan iyo cagajugleyn laguma xallin karo xaaladda murugsan ee dalku ku jiro. Dariiqa keliya ee Soomaaliya looga badbaadin karo hubanti la’aanta siyaasadeed waa in dib loogu laabto miiska wada-hadalka, si heshiis siyaasadeed looga gaaro doorashada, loona helo dowlad ku timaadda hannaan heshiis lagu yahay oo leh sharciyad ay ku hoggaamiso Soomaaliya,” ayuu ku soo gabagabeeyay qoraalkiisa.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira Muqdisho. Shalay ayay ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku dhowaadeen inay isku dhacaan agagaarka waddada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaas oo laga dareemay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda, iyadoo labada dhinac ay isu jeediyeen eedeymo culus.



