Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka qayb galay munaasabad ballaaran oo lagu xusayay aasaaskii Dowlad Goboleedka Galmudug.
Munaasabadda oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka Galmudug, xildhibaanno, siyaasiyiin, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Munaasabadda ayaa diiradda lagu saaray taariikhda iyo doorkii ay Galmudug ku lahayd dowlad-dhiska Soomaaliya, iyadoo sidoo kale lagu xusay dadaallada loogu jiro xoojinta nabadda, dowladnimada iyo horumarka deegaannada Galmudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo wada-shaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, si loo gaaro himilooyinka dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.



